Real Madrid Oo Doonaysa Xiddig Baxsad Ka Ah Man United

Kooxda Real Madrid ayaa si lama filaan ah ugu dhaqaaqaysa xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Man United iyo xulka Portugal ee Diogo Dalot inta lagu jiro suuqa xagaagan.

Wargayska Mundo Deportivo ayaa sheegaya in ay Los Blancos si lama filaan ah ugu dhaqaaqayso saxiixa xiddiga Dalot oo amaah ku qaatay kooxda Ac Milan kuna soo bandhigay qaab ciyaareed fiican.

Mustaqbalka Dalot ee Man United ayuu shaki weyn ku jiraa waxana la filayaa in uu isaga tago kooxda Man United xagaagan kadib markii uu ka baxay qorshaha tababare Ole Gunnar Solskjaer.

Tababaraha Real Madrid ee Carlo Ancelotti ayaa la sheegayaa in uu taageere u yahay Dalot waxana uu doonayaa in uu keeno kooxdiisa inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*