Real Madrid Oo Doonaysa Xiddig Aad Loo Qiimeeyo.

Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa inay ka go’an tahay inay ku guuleysato tartanka loogu jiro daafaca dhexe ee Villarreal Pau Torres marka la gaadho suuqa kala iibsiga xagaaga soo socda.

Xiddiga 24 jirka ah ayaa si weyn loola xidhiidhinayay ka tagista kooxda Villarreal wakhtigii ugu dambeeyay iyada oo kooxaha Tottenham iyo Man United doonayeen saxiixiisa.

Torres ayaa dhawaan iska diiday in uu ku biiro Tottenham isaga oo go’aansaday in uu iska sii jooo kooxdiisa suuqii xagaagii la soo dhaafay.

Kooxda Villarreal ayaan sidoo kale iska iibin doonin xiddiga suuqa January laakiin waxa ay ku adkaan doontaa in ay sii haysato xiddiga wixii ka dambeeya xilli ciyaareedkan.

Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa in ay diyaar u tahay in ay bixiso lacagta lagu bur-burin karo heshiiska xiddiga xagaaga soo socda kaas oo ah 50 milyan si ay u hesho saxiixa xiddiga.

Sii Akhriso: Ragga Mise Dumarka? Keebaa Kalgacal badan Marka Uu Jacaylka Ku Dhoco?

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*