Real Madrid Oo Doonaysa Saxiixa Xiddig U Ciyara Man City, Badalka Gareth Bale Ayay U Arkaan.

Kooxda Man City ayaa lagu soo waramayaa in ay doonayso saxiixa xiddiga garabka uga ciyaara Man City ee Raheem Sterling sida ay sheegayaan wararku.

Xiddiga reer England ayaa kaydka galay kulamadii ugu dambeeyay isaga oo kaliya hal gool dhaliyay 12-kii kulan ee uguu dambeeyay iyada oo uu phil Foden kala baxay booska.

Raheem Sterling ayaa ku dhibaatooday qaab ciyaareedka kulankii ugu dambeeyay ee ay Man City guuldarada kala kulantay chelsea kana tirsanaa FA Cup-ka.

Wargayska Daily Star ayaa sheegaya in ay Real Madrid dib u soo cusboonaysiisay xiisaha xiddiga si ay u hesho saxiixiisa xagaaga dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Xiddiga reer England ayaa Man City kula jira heshiis dhici doona xagaaga 2023 ilaa haatana heshiis cusub uma saxiixin kooxda hogaaminaysa horyaalka premeir League.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: 4 Su’aal Oo Cajiib Ah Oo Aad Waydiisid Gabadha Hadii Aad Jeceshahay, Waxyaabo Badan Ayay Kuu Kala Cadaynaysaa, Hadda Waydii.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*