Real Madrid Oo Doonaysa In Ay U Dhaqaaqdo Xiddig Man United Ah Suuqa January, Ronaldo Ayaa Ka Caawin Kara Saxiixiisa

Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa inay ka fiirsaneyso inay u dhaqaaqdo weeraryahanka Manchester United Edinson Cavani bisha Janury.

34 jirkaan ayaa dhawaan ka soo laabtay dhaawac isagoo ka soo muuqday labadii kulan ee ugu dambeysay oo ay kooxdiisu la ciyaartay Aston Villa iyo Villarreal, laakiin waxaa laga yaabaa inuu ku dhibtoodo inuu ku soo bilowdo shaxda Man United sabab la xidhiidha imaatinka Cristiano Ronaldo.

Cavani ayaa la filayaa in uu Man United kuq aato inta ka dhiman xilli ciyaareedkan ka hor inta uuna qaab xor ah uga tagin kooxda xagaaga laakiin waxa jira warar sheegaya in uu xiddiga reer Uruguay isaga tagi karo kooxda ka hor dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Barcelona ayaa dhawaan xiiso u muujisay saxiixa xiddiga iyad aoo kooxda reer Catalan doonayso in ay xoojiso weerarkeeda inta ka dhiman xilli ciyaareedkan.

Sida laga soo xigtay El Nacional, Cavani ayaa sidoo kale soo jiidanaaya indhaha Real Madrid, kuwaas oo doonaya in ay xiddiga reer Uruguay ku xoojiyaan kooxda qaybta dambe ee xilli ciyaareedkan.

Sii Akhriso: Fariimo Jacay: Gabadheey Ma Doonaysaa In Aad Xoojiso Jacaylka Uu Gacaliyahaagu Kuu Qabo, Fariimahan U Dir

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*