Real Madrid Oo Diyaarsatay Qorshe Ay Pierre-Emerick Aubameyang Uga Afduubanayso Arsenal, Maxay Damacsanyihiin.

Kooxda Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa in ay diyaar u tahay in ay Isticmaasho xiddiga Dani Ceballos si ay ugu guulaysato tartanka loogu jiro saxiixa kabtanka kooxda Arsenal ee Pierre-Emerick Aubameyang.

Pierre-Emerick Aubameyang ayaa wakhti fiican ku qaatay Arsenal tan ilaa markii uu Mikel Arteta yimid kooxda isaga oo xilli ciyaareedkan dhaliyay 20 gool tartamada oo dhan.

si kasta ha ahaatee heshiiska 30 jirkan ee Arsenal ayaa dhici doona xagaaga dambe waxana si weyn loola xidhiidhinayaa in uu isaga tagayo kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Pierre-Emerick Aubameyang ayaa bartilmaameed u noqday kooxaha ugu waaweyn yurub ee Chelsea, Man United, Liverpool, Inter Milan, Real Madrid iyo Barcelona kuwaas oo doonaya saxiixa xiddiga.

Laakiin wargayska Diario Madridista ayaa sheegaya in ay Real Madrid diyaar u tahay in ay xiddiga Dani Ceballos u soo bandhigto Gunners si ay ugu guulaystaan saxiixa xiddiga Aubameyang.

Advertisements

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*