Real Madrid Oo Diyaarsatay 4 Xiddig Oo Ay U Dhaqaaqi Doonto Hadii Ay Ku Fashilmnaan Saxiixa David Alaba.

Kooxda Real Madrid ayaa dajisatay qorshe ay damacsantahay hadii ay ku fashilmaan in ay helaan saxiixa xiddiga David Alaba kaas oo si weyn loola xidhiidhinayo Real Madrid bilihii ugu dambeeyay.

Wargayska AS yaaa shaaca ka qaaday qorshaha Real Madrid hadii ay ku fashilmaan saxiixa xiddiga David Alaba marka uu furmo suuqa kala iibsiga xagaaga.

Xiddiga reer Austaria ee David Alaba ayaa qaab xor ah uga tagi doona kooxda Bayern Munich dhamaadka xilli ciyaareedkan isaga oo aan heshiis cusub u saxiixi doonin kooxda.

Real Madrid ayaa si aad ah u doonaysa saxiixa xiddiga David Alaba si ay ugu xoojiso daafaceeda xilli ciyaareedka dambe laakiin xiddiga ayaan wali go’aansan halka uu ka ciyaari doono.

Wargayska AS ayaa sheegaya in ay Real Madrid haysato 4 xiddig oo ay u dhaqaaqi doonto xagaaga hadii ay ku fashilmaan saxiixa David Alaba suuqa xagaaga ee dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Xiddigahaas ayaa kala ah Jules Koundé (Sevilla), Pau Torres (Villarreal), Jesús Vallejo (Granada) & Kalidou Koulibaly (Napoli).

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: Gabadheey Ha Ogolaan Guurka Ninka 5-tan Caado Leh, Ma Ahan Mid Kuu Fiican.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*