Real Madrid Oo Diyaar U Ah In Ay Soo Qaadato Mid Kamid Ah Xiddigaha Kooxda Manchester United (Waa Kee??)

Kooxda Manchester United xiddiga daafaca uga ciyaara ee lagu magacaabo Diogo Dalot ayaa lagu soo waramayaa in uu suuqan aado dhanka kooxda reer Spain ee Real Madrid sida wararka wargeysyadu ay qorayaan.

22 sano jirkan kaasoo xili ciyaareedkii 2020-21 amaah ugu soo qaatey dhanka kooxda reer Taliyaani ee AC Milan ayaa 33 kulan dhamaan tartamada oo dhan ka soo muuqdey, bandhig wanaagsan ayuuna halkaasi ku sameyey taas oo keentey in xulka qaranka dalkiisa Portugal loogu yeero koobka qaramada qaarada Yurub oo uu kala qeyb galayo.

Arbacidii dhaweyd kulankii xulkiisa Qaranka Portugal uu la ciyaareyey xulka France ayuu xiddig bedel ku soo galay kadib dhaawacii Samedo, hadii uu caawa sidaa Samedo ku maqnaadana waxaa ay noqoneysaa in Dalot uu safto kulankaasi.

Aabaha dhalay daafacan ayaa sheegaya in wiilkiisu uu dib ugu noqonayo kooxdiisa Manchester united, balse wararka suuqa waxaa ay qorayaan in xiddigan aaney qeyb ka aheyn qorshaha xili ciyaareedka dambe ee macallin Ole, taana ay keeneyso in la iibiyo.

Si kastaba sida uu qorayo wargeyska Correio de Manhamacalinka cusub ee Real Madrid Carlo Ancelotti ayaa xiddigaan u arka mid kamid ah xiddigaha uu doonayo in xili ciyaareedka dambe uu la shir tago dhanka horyaalka La Ligaha Spain.

Si kastaba da’ yerkii hore ee kooxda Porto, kaa oo 35 kulan ka soo muuqdey Manchester United dhamaan tartamada oo dhan ayaa heshiiska uu haatan kula joogo kooxda Old Trafford waxaa uga harsan laba sanadood.

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*