Real Madrid Oo Damacsan Qorshe Ku Aadan Dani Ceballos, Maxaa Soo Kordhay?

Waxa loo malaynayay in Mustaqbalka Dani Ceballos ee Real Madrid soo dhamaaday markii uu Amaahda ugu biiray Arsenal laakiin Los Blancos ayaa haatan ka fiirsanaysa in ay dib u soo celiso xiddiga xagaagan.

Zinedine Zidane ayaa go’aanka ugu dambeeya qaadan doona laakiin kadib marka loo eego in uu Martin Odegaard haatanba ku soo laabtay Real Madrid waxa ay u muuqataa in ay Los Blancos kooxdeeda eegi doonto halkii ay suuqa gali lahaayeen xagaagan.

Wargayska MARCA ayaa haatan sheegaya in ay Real Madrid doonayso in ay dib u soo celiso xiddiga Dani Ceballos xagaagan iyada oo uu Zidane fursad siinayo xiddiga.

Arintan ayaa dhirbaaxo ku ah Arsenal oo qorshaynaysay in ay xiddiga si toos ah ula wareegto xagaagan ama ay amaah ku sii haysato xilli ciyaareedka dambe.

Sii Akhriso: Dawlada Somaliya Oo Sheegtay In Ay Korodhay Tirada Dadkii Ku Dhintay Dagaalkii Ka Dhacay Xabsiga Dhexe Ee Muqdisho.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*