
Real Madrid ayaa diyaar u ah inay lacag u soo bandhigto Liverpool si ay u iibsato xiddiga Trent Alexander-Arnold una dhamaystirto heshiiska ka hor koobka kooxaha adduunka.
Alexander-Arnold ayaa xaqiijiyay isniintii in uu beeca xorta ah kaga tagi doono kooxda Liverpool kadib markii uu heshiiskiisu dhacayo dhamaadka xilli ciyaareedkan.
26-sano jirkaan ayaa horey heshiis ula gaaray Real Madrid si uu beeca xorta ah ugu biiro xagaagan, waxaana uu qarka u saaran yahay inuu saxiixo qandaraas lix sanno ah.
Si kastaba ha ahaatee, Cadena COPE ayaa ku warameysa in Madrid ay dooneyso in Alexander-Arnold loo diiwaan geliyo kooxdeeda si uu u ciyaaro tartanka Koobka Kooxaha Adduunka, kaasoo ka bilaaban doona kulanka furitaanka group-yada ee Al-Hilal 18-ka June.
Madrid ayaa sidoo kale la ciyaari doonta kooxda reer Mexico ee Pachuca iyo RB Salzburg iyaga oo ku wada jira Group H.
Qandaraaska Alexander-Arnold ee Liverpool ayaa dhacaya dhamaadka bisha June, si kastaba ha ahaatee, suuqa kala iibsiga xagaaga ayaa si ku meel gaar ah u furmi doona laga bilaabo June 1 ilaa June 10 si loogu ogolaado kooxaha ka qayb galaya koobka kooxaha aduunka inay la soo wareegaan ciyaartoy cusub.
suuqaas ayaa Madrid siin doonta fursad ay kula soo saxiixato Alexander-Arnold ka hor inta uusan bilaabmin tartanka, Cadena COPE ayaa warinaysa in kooxda reer Spain ay diyaar u tahay inay bixiso 1 milyan oo Yuuro si ay xiddiga ula soo wareegto.
Marxaladdaas, xilli ciyaareedka Liverpool wuu dhammaan doonaa maadaama kulankooda ugu dambeeya ee Premier League uu yahay guriga Crystal Palace ee May 25.a
Be the first to comment