Real Madrid Oo Dajisatay Wado Ay Ku Heli Karto Saxiixa Paulo Dybala

Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa inay isku diyaarineyso in ay Juventus u soo bandhigto xiddigaha Isco iyo Vinicius Junior si ay uga qayb noqdaan baacsiga ay Los Blancos ku doonayso saxiixa Paulo Dybala.

Juventus ayaa xaqiijisay dhawaan in ay wadahadalo kula jirto Dybala si ay heshiis cusub uga saxiixdaan xiddiga laakiin waxa si weyn loo sheegayaa in uu xiddigu isaga tagi doono kooxda.

Wargayska Calciomercato ayaa sheegaya in tababaraha Real Madrid ee Zinedine Zidane doonayo in uu 26 jirka keeno caasimada waliba diyaar u yahay in uu heshiiska ku daro xiddigaha Isco & Vinicius Junior.

Isco ayaa ku dhibaatoonaya in uu si joogto ah ugu ciyaar kooxda Xilli ciyaareedkan halka uu sidoo kale xiddiga reer Brazil ee Vinicius Junior ku dhibaatoonayo in uu si joogto ah qaab ciyaareed fiican ugu soo bandhigo.

Dybala ayaa bilowgii xilli ciyaareedkan dhaawac ku seegay laakiin waxa uu kulankiisii ugu horeeyay saftay kulankii Hellas Verona ee Serie A-da.

Sii Akhriso: Nin Lagu Dilay Bangladesh Maydkiisana La Gubay Kadib Markii Uu Jar-Jaray Kitaabka Quraanka Kariimka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*