Real Madrid Oo Dagsatay Qorshe Ay Kula Soo Wareegayso Xiddiga Erling Braut Haaland, Maxay Damacsanyihiin?

Kooxda Real Madrid ayaa bartilmaameed ka dhiganaysa saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Borussia Dortmund ee Erling Braut Haaland iyaga oo dagsaday qorshe ay kula soo wareegayaan dhamaadka xilli ciyaareedkan xagaaga.

Erling Braut Haaland ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku soo bandhigay kooxda Dortmund isaga oo dhaliyay 11 gool 12 kulan oo uu tartamada oo dhan ciyaaray tan ilaa markii uu ku soo biiray kooxda Bishii January.

Real Madrid ayaa Erling Braut Haaland u aragta xiddig wax weyn ku soo kordhin kara kooxda xilli ciyaareedka dambe iyaga oo doonaya in ay u tartamaan koobabka oo dhan.

Wargayska MARCA ayaa sheegaya in ay Real Madrid diyaar u tahay in ay Borussia Dortmund kala soo wareegto xiddiga Erling Braut Haaland dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Isla wargayska ayaa sheegaya in at Real Madrid diyaar u tahay in ay Dortmund miiska u saarto lacag dhan 63 milyan oo euro iyo waliba xiddiga weerarka ka ciyaara ee Luka Jovic.

Advertisements

Weeraryahanka Luka Jovic ayaa ku dhibaatooday kooxda Real Madrid tan ilaa markii uu ku soo biiray kooxda isaga oo aan si joogto ah ugu ciyaarin kooxda tababare Zinedine Zidan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*