Real Madrid Oo Dadka U Dhaw U Sheegtay Qorshohooda Ku Aadan Saxiixa Kylian Mbappe

Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa inay kalsooni ku qabto saxiixa xiddiga kooxda PSG ee Kylian Mbappe Suuqa xagaaga dhamaadka xilli ciyaareedka.

Xiddiga reer France ayuu 6 todobaad oo kaliya uga dhimanyahay heshiiskiisa kooxda PSG isaga oo qaab xor ah uga tagi doono kooxda PSG.

Inkasta oo ay PSG ku kalsoontahay in ay sii haysan doonto xiddiga koobka adduunka ku guulaystay hadana Los Blancos ayaa wali ku kalsoon in ay heli doonto saxiixa xiddiga reer France.

Sida laga soo xigtay Le Parisien, Maamulka Real Madrid ayaa dadka ku dhaw u sheegay in ay saxiixa xiddiga 23 jirka ah dhamaystiri doonaan todobaadyada soo socda.

Xiddiga Mbappe ayaa dhaliyay 30 gool 19 kalena caawiye ka noqday 41 kulan oo uu ciyaaray xilli ciyaareedkan tartamada oo dhan.