Real Madrid Oo Ciyaartay Kulan Isku Diyaarin Ah Ka Hor Kulankooda Man City.

Tababare Zinedine Zidane ayaa bilaabay diyaarinta kooxdiisa ee kulanka todobaadka dambe ee champions League ee ay la ciyaari doonaan kooxda Man City.

Zinedine Zidane ayaa kooxdiisa ciyaarsiiyay kulan saaxiibtinimo ah oo uu ku kala qaybiyay xiddigaha kooxdiisa isaga oo ku ciyaaray shaxda uu doonayo in uu kaga hor tago Man City.

Labada kooxood oo ahaa isla kooxda Real madrid ayaa kala xidhay maaliyadaha mininka iyo martida ee kooxda ee la soo bandhigay maalintii jimcihii.

Shaxda ayaa ahayd sidan hoos ku xusan:

Thibaut Courtois;Dani Carvajal, Raphael Varane, Nacho Fernandez, Marcelo;Casemiro, Toni Kroos, Luka Modric;Marco Asensio, Karim Benzema, Eden Hazard.

Ka Hor intii uuna kulanku bilaaban waxa xiddigaha kooxda soo booqday Madaxweynaha kooxda Florentino Perez kaas oo xiddigaha dhiiri galin u muujiyay.

Laacib.net

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*