Real Madrid Oo Chelsea U Sheegtay Halka Wado Ee Ay Ku Heli Karto Saxiixa Luka Jovic

Kooxda Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa in ay Chelsea u sheegtay halka wado ee ay ku dhamaystiri karto saxiixa xiddiga weerarka ka ciyaara ee Luka Jovic kadib markii ay kooxda Chelsea xiiso u muujisay saxiixa xiddiga reer Serbia.

Xiddiga Luka Jovic ayaa ku fashilmay kooxda Real Madrid tan ilaa markii uu 63 milyan ugu soo biiray kooxda Suuqii xagaaga bilowgii xilli ciyaareedkii hore.

Xiddigii hore ee kooxda Frankfurt ayaa kaliya dhaliyay 2 gool tan ilaa markii uu ku soo biiray kooxda Real Madrid iyada oo labada gool-ba ahaayeen kuwo dhashay daqiiqadihii ugu dambeeyay ee ciyaarta.

Inkasta oo uu ilaa haatan ku fashilmay kooxda Real Madrid ilaa haatan hadana Chelsea ayaa xiiso u muujisay saxiixa xiddiga reer Serbia kaas oo ay doonayso saxiixiisa dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Wargayska Diario Madridista ayaa sheegaya in ay Real Madrid Kooxda chelsea u sheegtay in ay kaliya ku heli karaan xiddiga Luka Jovic heshiis amaah ah xagaaga dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Advertisements

Franka Lampard oo taageero u ah xiddiga 22 jirka ah ayaa doonaya in uu xilli ciyaareedka dambe la tartansiiyo Tammy Abraham kaas oo ah weeraryahanka 1-aad.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*