Real Madrid Oo Boodhka Ka Jafatay Rikoodh Ay Dhigtay 54 Sano Ka Hor.

Kooxda Real Madrid ayaa ku bilaabatay sidii ugu fiicnayd xilli ciyaareedkeeda muddo 54 sano ah kadib markii ay guul 2/1 ah ka gaadhay kooxda Atletico Madrid Axadii.

Los Blancos ayaa guushii 6-aad oo xidhiidh ah ka gaadhay horyaalka La Liga kadib markii ay Atletico Madrid ku dubteen garoonkooda.

Dhinaca kale Real Madrid ayaa dhamaan wada badisay kulamadii ay ciyaartay ee kale hadii laga hadlo final-kii UEFA Super cup iyo waliba labadii kulan ee ay ciyaartay champions League.

Kadib guushii Atletico, Real Madrid ayaa ku bilaabatay sidii ugu fiicnayd xilli ciyaareedkeeda tan ilaa xilli ciyaareedkii 1961/1962 iyo 1968/1969.

Sanadkaas ayay Real Madrid guul gaadhay 11-keeda kulan ee ugu horeeya tartamada oo dhan xilli ciyaareedka.

Real Madrid ayaa ku guulaystay horyaalka La Liga labadaas xilli ciyaareed laakiin waxa ay ku fashilantay in ay ku guulaysato tartanka Yurub iyaga oo guuldaro kala kulmay Benfica Final xilli ciyaareedkii 1962 halka ay wareega 16 kaga hadhay tartanka sanadkii ku xiga.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*