Real Madrid Oo Bar-Bar Ku Dhaafi Wayday Ac Milan Xilli Uu Gareth Bale Rikoodhe Khasaariyay.

Kooxda Real Madrid ayaa bar-baro la gashay kooxda Ac Milan kulan saaxiibtinimo ah oo ay labada kooxood isaga hor yimaadeen kana mid ahaa isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub.

Kulanka ayaa ahaa mid ay labada kooxood soo bandhigeen qaab ciyaareed isku dheeli tiran waliba muujiyeen awoodooda xilli ay Real Madrid maamulaysay dhanka kubada haysashada.

Real Madrid ayaa heshay rikoodhe waxana u istaagay xiddiga Gareth Bale laakiin Goolhayaha Ac Milan ayaa si cajiib ah uga badbaadiyay rikoodhada kooxda Real Madrid.

Ugu dambayn waxa bar-bar gool la’aan ah ku dhamaatay ciyaarta oo ay labada kooxood isku dhaafi waayeen kuna heshiiyeen bar-baro kulan xiiso iyo xamaasad lahaa.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: 6 Sabab Oo Ay Gabadhu Uga Boodo Ninka Kulanka Ugu Horeeya, Iska Ilaali Ninow In Aad Ku Dhacdid

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*