Real Madrid Oo Bar-bar Dhac Kala Soo Laabatay Villareal Xilli Mariano Uu Shabaqa Soo Taabtay

Real Madrid ayaa bar bar dhac kala soo laabatay  Villareal oo ay wada lahaayeen kulan ka tirsan waregega 9-aad ee La Ligaha , wax ayna ku hsihiiyeen min hal gool

Real Madrid ayaa nasiinada ugu dirtay kooxda ay martida u ahaayeen ee Villa Real hal gool oo nadiif ah kaasi oo yimid biloowgii ciyaarta gaar ahaan daqiiqadii 2-aad waxaana si cajiib ah u dhaliyay Mariano

Real inkastoo kubadda ku badnaayeen hadana ma jirirn fusrado ay abuurayeen waana ku adkeyd in si buuxda u gaaraan afka hore ee Villa Real

Villareal , dhankooda kuma soo muuqaan heer wacan durbana cagtooda waa ay ka baxeysay kubadda , waxaana qeybtaas hore labada koox soo bandhigen ciyaar iska dhex dhexaad ah .

Biloowga qeybta labaad , labada koox kubadda wa ay u furneyd mana jirrin halis gilin muuqata oon ay isku sameeyeen xilli kooxda martida loo ahaa ay ciyaarayeen kubad kalsooni leh waliba daqiiqadii 57-aad fursad gool ah ayay iska qasaariyeen.

Real inkastoo cadaadis ay sameynayeen hadana ma dhaleys ayay ka ahaayeen dhanka weerarka fog halka Villa Real ay ku tiirsanaayeen kubadaha rogaal celiska ah .

Zidane oo ka duulayay in kubadda Real ay gaarto afka hore waxa uu soo giliyay Junior iyo Isco oo daqiiqadii 65-aad loo saaray Haxard iyo Oedegraard , waxa ayna Villa Real ka dib qasaariyeen fusrado bar bar dhaca ay ku heli kareen .

Inkstoo badaladaas Real keeneen in horay u dhaqaaqaan hadana waxaa lagu hela rigoore ka dib qalad uu sameeyya goolhayhooda waxaan laga dhaliyay daqiiqadii 76-aad.

Ka dib dhacadaas , Real isku dayo kala duwan ayay sameeyeen balse Villa Real daafac ahaan aad u foojignaayeen xilli weerarada rogaal celiska ah ay ku tiirsanaayeen, waxa uuna tababare Zidane daqiiqadii 85-aad uu soo giliyay Marco Asensio

Si kastaba oo ay ahaato ,  kulanka ayaa ku dhamaaday bar bar dhac min hal gool ah .

 

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*