Real Madrid Oo Badelka Modric Ka Ishaaratay Horyaalka Talyaaniga , Si Dhaw Ayay Isha ku Hayaan

Real Madrid ayaa lagu waramayaa in si dhaw ay isha ugu hayaan xaaladda hishiis kordhinta xiddiga Roma ee Lorenzo Pellegrini

Real ayaa si weyn ugu fikireysa in laacibkaas qaab xor ah ku helaan xagaaga 2022-ka maadaama ay wadahadal la sii furi karaan Janauary

Laacikaas 25 sano jirka ah ayaa ku jira xaalad heer ciyaareed wacan ah waxa uuna xilli ciyaareedkaan dhaliyay 6 gool halka laba kale uu caawiye ka ahaa ka dib 8 kulan ee uu Roma la soo muuqday

Roma iyo qadkaas dhexe , wadahadallo ayaa u socda balse weli islama aysan meel dhigin, wax ayna warar badan tilmaamayaan in dhanka mushaarka la isku qilaafsan yahay

Bogga Fichajes ayaa laga soo xiganayaa in Rel si dhaw ula socdaan xaaladda laacibka ayna leeyihiin rajo ah in January heli karaan iyadoo wakiilkiisa ay la kulmeen

Pellegrini ayaa Roma u dhaliyay 27 gool iyo 36 caawin ah ka dib 160 kulan ee uu saftay kooxdaas Roma dhamaan tartamada

Real oo dareensan in Luka Modric uu kooxda ka tagi doono dhawaan ayay doonayaan in ay helaan badelkiisa buuxa

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*