Real Madrid Oo Arsenal U Sheegtay Halka Wado Ee Ay Sida Tooska Ah Ugula Wareegi Karto Dani Ceballos.

Kooxda Real Madrid ayaa lahgu soo waramayaa in ay Arsenal u sheegtay in ay 23 milyan oo euro kaga filantahay in ay si toos ah ula wareegto xiddiga khadka dhexe ee Dani Ceballos.

Xiddiga reer Spain ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku jira kulamadii ugu dambeeyay isaga oo ka mid ah xiddigaha ugu fiican ee Mikel Arteta tan ilaa markii dib loo bilaabay xilli ciyaareedka.

xiddiga ayaa 6 kulan ku bilowday 2 kulana kaydka ka soo baxay tan ilaa 17 bishii June iyada oo uu xiddigu qaab ciyaareedkiisa ku qanciyay Mikel Arteta kaas oo doonaya in uu ku sii waystokooxda.

Si kasta ha ahaatee wargayska Marca Ayaa sheegaya in ay Arsenal u baahantahay in ay bixiso lacag dhan 23 milyan oo euro hadii ay doonayaan in ay si toos ah ula wareegaan xiddiga Dani Ceballos.

Inkasta oo uuna Dani Ceballos ku jirin qorshaha tababare Zidane hadana xiddiga ayaa kooxda kula jira heshiis 3 sano ka hadhsanyahay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*