Real Madrid Nasiib Ayay U Lahayd In Aan 5 & 6 Gool Laga Dhalin Kulankii Chelsea.

Halyeeyga Kooxda Man United ee Rio Ferdinand ayaa weerar culus ku qaaday Real Madrid kadib markii ay chelsea 2/0 uga reebtay champions League lugta 2-aad ee Semi-final-ka champions league.

Kooxda Zidane ayaa kulanka galay iyaga oo ogsoon in ay ku qasbanyihiin in ay gool dhaliyaan hadii ay doonayaan in ay rajo ka helaan kulanka laakiin Los Blancos ayaa ku fashilantay in ay gool dhaliso waxana ay ugu dambayn ka hadheen champions league.

Rio Ferdinand oo ciyaarta kadib hadlay ayaa sheegay in ay Real Madrid nasiib fiican lahayd hadii aan laga dhalin goolal ka badan 2/0 oo ahayd natiijadii looga badiyay.

“Ral Madrid waxa ay haystaa xiddii fiican, laakiin waxa ay u muuqdeen kuwo daalan”ayuu Rio Ferdinand u sheegay BT Sport.

“Waxa ay u muuqdeen koox cajuusyo ah, chelsea-na waxa ay u muuqatay koox da’yar ah oo gaajaysan”.

“Waxa laga dhalin karay real Madrid 5 iyo 6 gool, nasiib ayaa babaadiyay”ayuu sii raaciyay

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*