Real Madrid Miyay Gacanta Ka Taageen Hishiisyada Pogba Iyo Kylian Mbappe?

Madaxweynaha kooxda Real Madrid ee Florentino Perez ayaa hoosta ka xariiqay in kooxdiisa aysan u suura galeyn xagaagaan in ay soo sameeyaan hishiisyo waa weyn

Real ayaa xalay markii 34-aad taariikhda waxa ay ku guuleysteen horyaalka La Ligaha ka hor hal wareeg dhamaadka tartanakaas

Real ayaa la filiyay in ay si weyn uga dhex muuqdaan suuqa xagaaga xilli ay isha ku hayeen saxiixa Pogba oo United iyo Kylian Mbappe oo PSG ah .

Si wlaiba oo ay ahaato , madaxa Real ee Perez waxa uu ku adkeystay in saameynta dhaqaale ee Karoonaha aysan u suura gilineyn in hishiisyo waa weyn ay soo sameeyaan xagaagaan

El Transistor ayuu Perez ka yiri “xaaladda waa adag tahay , waana adag tahay in ciyaartooyda laga codsado in mushaarkooda ay dhimaan taasi waxaa ka sii daran in hishiisyo la soo sameeyo, waan sugeynaa waa hubaal Real xiddigo cajiib ah ayay la soo hishiin doontaa marka xaladda ay is badasho”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*