Real Madrid Mise Man City? Yaya Toure Oo Saadaaliyay Kulanka Adag Ee Etihad Ka Dhici Doona Habeen Dambe.

Xiddigii hore ee kooxda Man City ee Yaya Toure ayaa saadaaliyay in kulanka Man City & Real Madrid yahay mid 50/50 sabab la xidhiidha maqnaanshaha taageerayaasha

Ka dib markii ay 2-1 ku garaaceen Real Madrid oo joogta garoonkeeda Santiago Bernabeu bishii February City ayaa soo dhaweyneysa wiilasha Zinedine Zidane kulanka ka dhici doona Etihad Staduim.

Markii la waydiiyay in uu saadaaliyo natiijada kulanka kooxaha Man City & Real Madrid, Toure oo Man City u soo ciyaaray intii u dhexaysay 2010 ilaa 2018 ayaa sheegay in ay kooxdiisii hore ku adkaan doonto xaalku hadii uuna gool dhalin kulanka.

“Waxan u malaynayaa in uu noqon doono 50/50 bilaa taageerayaasha waxa ay noqon doontaa arin adag”ayuu Toure u sheegay Leyton Orient’s channel.

“Real Madrid waxa ay kulanka soo galaysaa iyaga oo kalsooni qaba kadib markii ay ku guulaysteen horyaalka 2 todobaad ka hor sidaas darteed waa in ay gool dhaliso Man City hadii kale xaalku wuu ku adkaan doonaa”.

Laacib.net

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*