Real Madrid Mise Man City? Nicolas Anelka Oo Saadaaliyay Kooxda Soo Bixi Doonta Kulanka Jimcaha.

Kadib markii uu u soo wada ciyaaray kooxaha Real Madrid iyo Man City wakhtigii uu ciyaarayay kubada cagta Nicolas Anelka ayaa meel fiican oo uu ku saadaalin karo kulan lugta 2-aad ee wareega 16-ka champions League ee labada kooxood.

Halyeeyga reer France ayaa aaminsan in taariikhda Real Madrid ee Champions League in ay ka caawi doonto in ay guul soo laabasho leh ka gaadhaan Man Cit.

“Marka loo eego khibrada Real Madrid iyo tababare Zidane wax walba waa suurtagal”ayuu Anelka u sheegay Wargayska MARCA.

“City waxa ay ku jirtaa qaab ciyaareed fiican waxana uu kulanku noqon doonaa mid adag, ma garan karo waxa dhici doona laakiin Waxa aan saadaalinayaa in ay Real Madrid guul soo laabasho leh ka gaadho Man City”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*