Real Madrid Mise Liverpool? Rafael Benitez Oo Fikirkiisa Ka Dhiibtay Kulanka Adag Ee Champions League, Kooxdee Ayuu U Saadaaliyay Guusha?

Tababarihii hore ee kooxaha Liverpool Iyo Real Madrid ee Rafael Benitez ayaa fikirkiisa ka dhiibtay kulanka adag ee ay isaga hor iman doonaan labadiisii kooxood ee hore kulanka 8 Dhamaadka champions League.

Kooxda Liverpool ayaa salaasada booqan doonta Real Madrid lugta 1-aad ee wareega 8 dhamaadka champions League kulan si weyn isha loogu hayo waliba la sugayo daawashadiisa.

Tababare Rafael Benitez ayaa si fiican u garanaya labada kooxoodba maadama oo uu tababare u soo noqday labada kooxoodba kuna soo qaatay wakhti fiican iyo mid xunba.

Wargayska MARCA ayaa waraysi ka qaaday tababaraha reer Spain wwaxana uu ka waraystay waxyaabo badan kana mid yihiin kulanka adag ee ay wada ciyaari doonaan Liverpool iyo Real Madrid.

Wargayska MARCA ayaa waydiiyay kooxda ugu cad-cad in ay wareega xiga iska xaadiriso waxana uu ku jawaabay”Labada kooxoodba waa kooxo fiican”.

“Sidaas darteed ma arko koox ugu cad-cad in ay ka badiso kooxda kale iskana xaadiriso wareega xiga”ayuu sii raaciyay.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: Ma Doonaysaa In Gacaliyahaagu Kuu Waasho Waliba Kaa Maarmi Waayo Si Waali Ahna Kuu Jeclaado, Wadooyinkan Raac, La’aantaa Ma Seexan karo Xitaa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*