Real Madrid Mise Liverpool? Kooxda Ku Horaysa Tartanka Loogu Jira Saxiixa Xiddiga Kylian Mbappe Oo La Ogaaday.

Kooxda Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in ay Real Madrid kala wareegtay hogaaminta baacsiga loogu jiro saxiixa xiddiga kooxda PSG ee Kylian Mbappe sida ay sheegayaan wararku.

Heshiiska xiddiga reer France ee PSG ayaa dhici doona hal sano kadib waxana uu iska diiday in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda ka dhisan caasimada France.

Madrid ayaa muddo dheer ugu cad-cadayd saxiixa xiddiga Mbappe laakiin wargayska Mirror ayaa haatan sheegaya in ay liverpool hogaaminayso baacsiga loogu jiro saxixia xiddiga.

Wararka ayaa sheegaya in ay Reds isku diyaarinayso in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga 22 jirka ah hadii aan horay xal looga gaadhin.

Mbappe ayaa dhaliyay 42 gool 10 kalena caawiye ka noqday Tartamada oo dhan kooxda PSG Xilli ciyaareedkii hore waxana uu gali doonaa sanadkiisii ugu dambeeyay heshiiskiisa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*