Real Madrid Mise Liverpool? Gary Neville Oo Saadaaliyay Final-ka Champions League

Xiddigii hore ee kooxda Man United Gary Neville ayaa saadaaliyay kulanka Final-ka champions League ee dhex mari doona kooxaha Liverpool iyo Real Madrid sabtida.

Gary Neville ayaa saadaaliyay in ay Real Madrid ku guulaysan doonto champions League kuna garaaci doonto Reds sabab la xidhiidha khadka dhexe ee Liverpool oo diciif ah.

Waxa uu u sheegay Sky Sports: “Uma malaynayo in Liverpool ay ku guulaysan doonto champions League, waxaan filayaa in Liverpool khadkeeda dhexe uu yahay halka ay u liidato, 5-ta daqiiqo ee ugu dambeeya ayay saamayn ku yeelan karaan khadka dhexe ee Real Madrid”.

“Marka aan eego khadka dhexe ee Real Madrid ee kala ah Casemiro, Toni Kroos, Luka Modric  iyo waliba xiddigaha Valverde & Camavinga, 5-taas xiddig ayaa saamayn ku yeelan kara kulanka”.

Liverpool ayuu shaki ku jiraa in ay xiddigaha Thiago iyo Fabinho taam u noqon doonaa kulanka kadib dhaawacyo soo gaadhay kulamadii ugu dambeeyay ee xilli ciyaareedka.

Labada kooxood ayaa ku dagaalami doona ku guulaysiga koobka iyaga oo isha ku haya in ay ku kala guulaystaan koobka champions League markii 7-aad iyo markii 14-aad ee taariikhdooda.