Real Madrid Mise Barcelona? Supercomputer Oo Saadaaliyay Kooxda Ku Guulaysan Doonta Horyaalka La Liga Xilli CIyaareedkan.

Sida laga soo xigtay Supercomputer Barcelona ayaa ku guuleysan doonta La Liga xilli ciyaareedkan iyaga oo ku qaadi doona ugu yaraan 5 dhibcood.

Supercomputer ayaa Barcelona u saadaaliyay ku guulaysiga horyaalka la Liga xilli ciyaareedkan isaga oo cel-celis ahaan sheegay in ay fursad u haysato ku guulaysiga horyaalka 63%.

Sidoo kale Supercomputer ayaa saadaaliyay in ay Barcelona 88 dhibcood gaadhi doonto horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan.

Supercomputer ayaa 34% saadaaliyay in ay Real Madrid ku guulaysan doonto horyaalka iyada oo Los Blancos loo saadaaliyay in ay horyaalka ku dhamaysato 83 dhibcood.

Kooxda Barcelona ayaa haatan hogaaminaysa horyaalka la Liga iyaga oo 2 dhibcood ka horeeya kooxda Real Madrid kuwaas oo guuldaro kala kulmay Rayo Vallecano.