Real Madrid Oo Guul Wakhtiga Dhimashada Ah Ka Gaadhay Inter Milan

Real Madrid ayaa guul dirqi ah ka gaadhay Inter Milan kulan ka dhacay San Siro oo caaji ahaa kana tirsanaa wareega Group-yada champions league

Kulanka ayaa ahaa mid ay Inter Milan ahayd kooxda fiican marka loo eego fursadaha fiican in ay iyagu heleen waliba ka weerar fiicanaayeen.

Dhanka kale Inter Milan ayaa qaybtii hore ahayd kooxda fiican dhinaca kubad haysashada xilli ay Real Madrid ku dhibaatootay in ay wax saamayn ah samayso.

Qaybtii dambe ee ciyaarta ayaa ahayd mida fiican dhinaca kubad hasashada xilli ay Inter Milan ciyaaraysay weeraro rogaal celis ah oo ay ku doonayeen goolal.

Ciyaarta ayaa u muuqatay mid ku dhamaanaysa bar-baro gool la’aan ah laakiin daqiiqadihii ugu dambeeyay ayay wax walba is badaleen.

Daqiiqadii 89-aad ayay Real Madrid dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta waxana u dhaliyay xiddiga Rodrygo kaas oo ciyaarta ka dhigay ciyaarta 1/0.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Real Madrid gaadhay guul wakhti dambe ah oo ay sidaas ugu heleen 3-da dhibcood ee ciyaarta.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*