Real Madrid iyo Bayern Munich Oo Laba Xiddig Is Dhaafsanaya

Kooxaha Real Madrid Iyo Bayern Munich ayaa lagu soo waramayaa in ay doonayaan in ay is dhaafsadaan labada xiddig ee Lucas Vazquez & David Alaba iyada oo ayna labada kooxooba wax lacag ah ka bixin doonin labada xiddi.

Wargayska MARCA ayaa sheeaya in ay labada xiddigaba diideen heshiisyadii cusbaa ee ay u soo bandhigeen kooxohoodu waxana ay labada kooxood haatan heleen wado u faa’iido ah labadoodaba.

Real Madrid ayaa aad u doonaysa saxiixa xiddiga David Alaba si ay ugu xoojiso kooxdeeda xilli ciyaareedka dambe halka ay Bayern Munich dooayso saxiixa xiddiga Lucas Vazquez kaas oo dhawr boos ka ciyaari kara.

Lucas Vazquez Ayaa iska diiday in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda Real Madrid taas oo keentay in ay Bayern Munich xiiso u muujiso saxiixa xiddiga reer Spain.

Dhanka kale Alaba ayaa qaab xor ah uga tagi doona kooxda Bayern Munich waxana doonaysa kooxda Real Madrid kuwaas oo doonaya in ay ku xoojiyaan kooxda.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: 7 Wado Oo Cajiib Ah Oo Aad “Waan Ku Jecelahay” Ugu Odhan Karto Gacaliyahaaga.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*