Real Madrid & Barcelona Oo Galaya Todobaad Go’aamin Doona Horyaalka La Liga Xilli Ciyaareedkan.

Real Madrid ayaa ka faa’iidaystay bar-barihii ay Barcelona la gashay Celta Vigo iyaga oo 2 dhibcood ku qabtay hogaanka horyaalka La Liga sidaasna ku galay 6-dii kulan ee ugu dambeeyay.

Kooxda Real Madrid ayaa galaysa iyada oo meel fiican ku jirta todobaad go’aamin kara horyaalka La Liga ee xilli ciyaareedkan.

Barcelona ayaa la ciyaari doonta kooxda Atletico Madrid halka ay Real Madrid la ciyaari doonto kooxda Getafe.

Real Madrid ayaa kadib kulan adga ciyaari doonta marka ay marti u noqon doonto kooxda Athletic Bilbao ka hor inta ayna Barcelona la ciyaarin doonoxda Villarreal.

Barcelona ayaa shaki la’aan ciyaari doonta kulamo ka adag Real Madrid iyada oo la ciyaari doonta kooxda Villarreal oo u dagaalamaysa ka soo qayb galka champions League kuna jira qaab ciyaareed fiican.

Advertisements

Isku soo wada duuboo Real Madrid iyo Barcelona ayaa galaya Todobaad muhiim ah oo lagu kala bixi karo horyaalka iyada oo kooxda siibata laga tagi doono tartanka horyaalka.

Sii Akhriso: DEGDEG: Golaha wakiilada Somaliland Oo Kalsoonida Kala Laabtay Gudoomiyaha Xusbiga Mucaaridka Ah UCID Ee Faysal Cali Waraabe.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*