Real Madrid, Barcelona Mise Atletico Madrid? Mezut Ozil Oo Magacaabay Kooxda Ugu Cad-Cad Ku Guulaysiga Horyaalka La Liga

Xiddigii hore ee kooxda Real Madrid ee Mezut Ozil haatana u ciyaara kooxda reeer Turkey ee Fenerbahçe ayaa saadaashiisa ka dhiibtay kooxda ku guulaysan doonta horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan.

Kooxda Real Madrid ayaa si ku meel gaadh ah u qabatay hogaanka horyaalka La Liga kadib markii ay garaacday kooxda Barcelona kulan ka tirsanaa todobaadkii 30-aad ee horyaalka xilli ciyaareedkan.

Kadib markii uu dhamaaday kulankii El Clasico ayuu Mesut Ozil amaanay kulankii ay garaacday kooxdiisii hore ee kooxda ay xafiiltamaan ee Barcelona isaga oo kooxda Real Madrid u saadaaliyay horyaalka.

Mesut Ozil ayaa bogiisa Twitter-ka ku soo qoray”Ciyaar fiican, Guul Weyn, 3 dhibcood oo weyn”.

“Real Madrid ayaa haatan ugu cad-cad ku guulaysiga horyaalka La Liga, Hala Madrid”ayuu sii raaciyay.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: Su’aalo Xiiso leh Oo Aad Waydiin Kartid Gacaliyayaaga Waliba Qaligiisa Kugu Dhawaynaya, Ha Kaga Waaban Hadda Waydii.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*