Real Iyo Barcelona Oo Ka Fikiraya Saxiixa Sancho , Goorma Ayay Damacsan Yihiin In Ay Dalab Ka Geeyaan

Ilo wareedyo ayaa qoraya in Barcelona iyo Real Madrid si weyn uga fikirayaan in ay loolan u galaan saxiixa xiddiga Dortmund ee Sancho .

Sancho oo bartilmaameed xooggan xagaagaan u ahaa Man United waliba wadahadallo wax ku ool ah la galeen kooxdiisa balse ugu dambeyn ma dhicin in ay isla meel dhigaan hishiiskaas

Ka dib markii ay fashilantay in United helaan saxiixa Sancho waxa uu agaasimaha ciyaaraha Dortmund si cad u sheegay in laacibka xagaagaan iyo xilli ciyaareedka dambe uu sii joogayo kooxdaas reer Jarmal.

Wargeyska Mirror ayaa qoraya in sidaas oo ay tahay in ay adag tahay in laacibkaas uu xagaagaan baxo marka loo eego United oo u dhaweyd oo aan helin balse ay ka shaqeynayaan in suuqa dambe ee January ama kan xagaaga ay geeynayaan dalabyadaas.

Qodobka kale ee labadaas koox reer Spain xagaagaan ka hor istaagi kara saxiixa Sancho ayaa ah dhibataada dhaqaale ee xanuunka caabuqa uu ku reebay kooxahaas.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*