RB Leipzig Oo Ku Digatay Chelsea Kadib Guuldaradii FA Cup-ka & Timo Werner Oo Sabab U Ah.

Kooxda RB Leipzig ayaa ku Kaftantay in uu xiddiga 53 milyan ugu soo biiray Chelsea ee Timo Werner doonayo in uu durba ku laabto kooxdiisii hore kadib markii uu daawaday kooxdiisa chelsea oo la karbaashay Finla-kii FA Cup-ka.

Kooxdiisii hore ayaa si deg-deg ah fal celisay guuldaradii 2/1 ahayd ee ay Chelsea Kala kulantay kooxda Arsenal kulan ka dhacay Wembley.

Saxiixa cusub ee chelsea Werner ayaa garoonka ka daawanayay Final-ka waxana ay kamerooyinku qabteen isaga oo Mobile-kiisa wax ku qoraya intii ay socotay ciyaartu.

Kooxda RB Leipzig ayaa ku kaftantay in uu Timo Werner kooxda ka codsanayay in uu si deg-deg ah ugu laabto Germany.

RB Leipzig ayaa bogeeda Twitter-ka soo dhigtay sawir uu leeyahay Timo Werner iyaga oo sii raaciyay”Timo Werner wax ayuu qorayaa”.

Image

Sii Akhriso: Safirka Shiinaha Ee Soomaaliya Oo Soo Gaadhay Somaliland

Laacib.net

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*