Rayo Vallecan Oo Hadiyad Qaali Ah U Dirtay Barcelona, Real Madrid Ayay Garaacday

Kooxda Real Madrid ayaa la kulantay guuldaradii ugu horaysay ee horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan iyaga oo guuldaro kala kulmay kooxda Rayo Vallecano.

Kulanka ayaa ahaa mid ah Real Madrid si weyn ugu dhibaatootay isla markaas u babac dhigi kari wayday weeraradii rogaal celiska ahaa ee ay kala kulmaysay kooxda Vallecano.

Real Madrid ayaa ku fiicnayd maamulista kubada laakiin waxa ay ku dhibaatoodeen in ay sameeyaan fursado ay goolal ku dhalin karaan.

Kooxda Rayo Vallecano ayaa daqiiqadii 5-aad dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta waxana u dhaliyay xiddiga Santi Comesana kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa ciyaartana ka dhigay 1/0.

Real Madrid ayaa dar-dar galisay weerarkeeda iyaga oo doonayay in ay dhaliyaan goolka bar-baraha ka hor inta ayna wakhtigu ka dhicin qaybta hore.

Daqiiqadii 37-aad ayay Real Madrid dhalisay goolka bar-baraha waxana dhaliyay xiddiga Luka Modric kaas oo gool u badalay rikoodhe kooxdiisa loo dhigay.

Kooxda Ancelotti ayaa mar kale daqiiqadii 41-aad dhalisay goolka 2-aad isaga oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa ciyaartana ka dhigay 2/1 ay Real ku hogaaminayso.

Laakiin kooxda Vallecano ayaan ka daalin weerarada rogaal celiska ah ee ay qaadaysay iyaga sii waday weerarada ay ku doonayaan goolka bar-baraha.

Kooxda Rayo Vallecano ayaa daqiiqadii 44-aad dhalisay goolka bar-baraha waxana u dhaliyay xiddiga Alvaro Garcia Rivera kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/2.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta qaybta hore ee ciyaarta oo ahayd ciyaar xiiso leh oo ay labada kooxoodba soo bandhigeen ciyaar lagu raaxaysto.

Qaybta dambe ayay Rayo Vallecano ku bilaabatay si dar-dar leh waxana ay raadinaysay goolal kale xilli ay Real Madrid ku hor dhibaatootay goolka hortiisa.

Daqiiqadii 67-aad ayaa Rayo Vallecano loo dhigay rikoodhe waxana gool u badalay kabtanka Kooxda ee Oscar Trejo kaas oo ciyaarta ka dhigay 3/2 ay Vallecano ku hogaaminayso ciyaarta.

Real Madrid ayaa wax walba u samaysay sidii ay u dhalin lahayd goolka bar-baraha laakiin Rayo Vallecano ayaa si fiican u difaacday isla markaas marar badan halis galiyay goolka Real.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Rayo Vallecano dusha u saartay Real Madrid guuldaradii ugu horaysay ee horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan iyaga oo ka caawiyay in ay Barcelona 2 dhibcood ku hogaamiso horyaalka.