Raya, Donnarumma Mise Allison? Gary Neville Oo Doortay Goolhayaha Ugu Fiican.

Halyeeyga Manchester United, Gary Neville, ayaa aaminsan in goolhayaha Manchester City, Gianluigi Donnarumma, uu ka fiican yahay goolhayeyaasha kale ee Premier League-ka.

Sida uu sheegay Neville waxa uu dooran lahaa Donnarumma marka loo eego David Raya isaga oo Goolhayaha reer Italy ku tilmaamay “xayawaan dhab ah,”.

Neville ayaa hadalkan ka sheegay kadib ciyaartii barbaraha 1-1 ahayd ee dhex martay Arsenal iyo Manchester City Axaddii, taasoo ka tirsaneyd horyaalka Premier League.

“Waxad eegtaa Donnarumma, waa xayawaan dhab ah,” Neville ayaa ku yiri barnaamijkiisa podcast-ka ee Sky Sports.

“Waa qof weyn oo xoog badan. Markuu u soo dhawaado, waxay ka dhigtaa weeraryahanada soo socda inay ka fikiraan, sababtoo ah way ogyihiin inuu madaxa si adag ku garaaci doono haddii uu ku dhaco.

“Aniga ahaan, waxaan u maleynayaa inuu yahay goolhayaha aad u fiican. Waa nooca goolhaye aan marwalba jecelahay”.

“Alisson waa Goolhaye fiican, sidoo kale Raya waa mid fiican laakiin kama doorteen labadoodaba Goolhaye Donnarumma”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga