Ray Parlour Oo Qiimeeyay Fursadaha Arsenal Ee Ku Guulaysiga Premier League.

Halyeeygii hore ee kooxda Arsenal, Ray Parlour, ayaa sheegay in kooxdiisii hore ay yihiin “kuwa ugu cadcad” ee ku guuleysan kara Premier League xilli ciyaareedkan.

Kooxda Gunners ayaa haatan hogaanka u haysa miiska horyaalka iyagoo leh afar dhibcood oo nadiif ah, halka ay lix dhibcood ka sarreeyaan Manchester City iyo toddobo dhibcood ka horreeyaan Liverpool oo ah kooxdii difaacanaysay horyaalka.

Isagoo la hadlayay TribalFootball, Parlour ayaa yiri:

“Waxaan hubaa inay (Arsenal) yihiin kuwa si weyn loogu saadaalinayo inay horyaalka qaadaan hadda.

“Waxay u baahan yihiin oo keliya inay sii wadaan. Inaysan ka fikirin horyaalka laftiisa, balse ay xoogga saaraan inay sii wadaan guulaha, waana hubaal in ugu dambayn ay shaqada dhamaystiri doonaan.”

Ray Parlour ayaa hadalkiisa ku sii daray:

“Waxa kaliya ee ay tahay inaad sameyso waa inaad ciyaarahaaga badiso, adigoo rajeynaya in kooxaha kale ay kuu fududeeyaan xaaladda — taasna waa wixii dhacay usbuucan.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga