RASMI:Zinedine Zidane Oo Soo Saaray Liiska Xiddigaha Uu Kaga Hor Tagi Doono Granada

Tababaraha Kooxda Real Madrid ee Zinedine Zidane ayaa soo saaray Liisa xiddigaha uu kaga hor tagi doono kooxda Granada kulan ka tirsan horyaalka La Liga.

Tababare Zidane ayaa dib u helay xiddigaha Carvajal iyo Sergio Ramos kuwaas oo ganaax ku seegay kulankii hore ee horyaalka La Liga.

Waxa wali Liiska ka maqan xiddiga Marcelo kaas oo dhaawac kaga maqnaan doona kooxdiisa kulamada horyaalka La Liga ee hadhay.

Sidoo kale waxa Liiska ka soo muuqday Karim Benzema kaas oo uu dhaawac ka soo gaadhay kulankii ugu dambeeyay ee ay kooxdiisu ciyaartay horyaalka La Liga.

Halkan Haga Bogo Liiska tababare Zidane u soo xushay kulanka:

Image

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*