RASMI: Zinedine Zidane Oo Soo Saaray Liiska Xiddigaha Uu Kaga Hor Tagi Doono Man City

Tababaraha Kooxda Real Madrid ee Zinedine Zidane ayaa soo saaray Liiska xiddigaha uu kaga hor tagi doono kooxda Man City kulan ka tirsan lugta 2-aad ee wareega 16-ka champions League.

Waxa Liiska si lama filaan ah ugu jira kabtanka Sergio Ramos inkasta oo uu ka ganaaxan yahay kulanka laakiin xiddiga ayaa la safraya xiddigaha ay isku kooxda yihiin.

Zidane ayaa sidoo kale soo wada xushay dhamaan xiddigaha taamka u ah kulanka isaga oo soo xushay 30 xiddig oo uu shaxdiisa ka soo xulan doono.

Waxa liiska ka maqan xiddiga Mariano Diaz kaas oo laga helay xanuunka Korona halka uu sidoo kale ka maqan yahay xiddiga James Rodriquez.

Image

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*