RASMI: Zinedine Zidane Oo Soo Saaray Liiska Xiddigaha Uu Kaga Hor Tagi Doono Liverpool.

Tababaraha kooxda Real Madrid ee Ziendine Zidane ayaa soo saaray Liiska xiddigaha uu kaga hor tagi doono kooxda Liverpool lugta 2-aad ee wareega 8 dhamaadka champions league ee ka dhici doona Anfield.

Xiddiga garabka uga ciyaara Real Madrid ee Eden Hazard ayaa ka maqan Liiska xiddigaha uu Zidane soo xushay halka ayna xiddigaha Dani Carvajal & Lucas Vazquez uga maqan yihiin liiska dhaawac.

Xiddigaha Varane iyo Ramos ayaa sidoo kale liiska ka maqan sabab la xidhiidha xanuunka Korona iyo dhaawac uu Ramos kaga maqanaan doono kulanka lugta 2-aad.

Tababare Zidane ayaa la filayaa in uu daafaca Midig ka ciyaarsiiyo xiddiga khadka dhexe ee Valverde kaas oo dhankiisa taam u noqon doona kulanka kadib markii uu ka soo kabsaday dhaawac ka soo gaadhay kulankii Barcelona.

Hadaba Halkan Hoose Kaga Bogo Liiska uu Zidane u soo xushay kulanka:

Goolhayayaasha: Thibaut Courtois, Andriy Lunin, Diego Altube.

Khadka Dhexe: Eder Militao, Nacho Fernandez, Marcelo, Alvaro Odriozola, Ferland Mendy, Victor Chust.

Daafaca: Toni Kroos, Luka Modric, Casemiro, Fede Valverde, Isco, Marvin Park, Sergio Arribas.

Weerarka: Karim Benzema, Marco Asensio, Vinicius Junior, Mariano Diaz, Rodrygo Goes.

Sii Akhriso: Ma Doonaysaan In Aad Xoojisaan Jacaylkiina, Waliba Aad Isku Dhawaataan Inta Lagu Jiro Bisha Ramadaan, 3-dan Arin Ayaa Idinka Xigta.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*