RASMI: Zinedine Zidane Oo Soo Saaray Liiska Xiddigaha Uu Kaga Hor Tagi Doono Leganes

Zinedine Zidane Ayaa soo saaray Liiska xiddigaha uu kaga hor tagi doono Leganes kulanka ugu dambeeya ee horyaalka la Liga xilli ciyaareedkan.

Xiddiga garabka ka ciyaara ee Gareth Bale ayaa laga reebay Liiska kulanka ugu dambeeya ee Los Blancos ee horyaalka La Liga ee xilli ciyaareedkan.

Waxa Liiska ka maqan sidoo kale xiddiga daafaca uga ciyaara ee Marcelo kaas oo dhaawac ku seegi doono kulanka halka aan sidoo kale lagu arkin xiddiga James Rodriguez.

Los Blancos ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo ku guulaystay horyaalka La Liga kulankii Villarreal ee horyaaka.

Halkan Hoose Kaga Bogo Liiska xiddigaha uu Zidane u soo xushay kulanka:

Goolhaye: Thibaut Courtois, Alphonse Areola, Diego Altube.

Daafaca: Dani Carvajal, Eder Militao, Sergio Ramos, Raphael Varane, Nacho Fernandez, Ferland Mendy.

Khadka Dhexe: Toni Kroos, Luka Modric, Casemiro, Fede Valverde, Isco.

Weerarka: Karim Benzema, Lucas Vazquez, Luka Jovic, Marco Asensio, Brahim Diaz, Mariano Diaz, Vinicius Junior, Rodrygo Goes.

Sii Akhriso: DEG-DEG: Madaxweye Farmaajo Oo La Kulmay 3 Ka Mid Ah Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*