RASMI: Zinedine Zidane Oo Soo Saaray Liiska Xiddigaha Uu Kaga Hor Tagi Doono Huesca.

Tababaraha Kooxda Real Madrid Zinedine Zidane ayaa soo saaray liiska xiddigaha uu kaga hor tagi doono kooxda Huesca horyaalka La Liga.

Zidane ayaa ku soo laabtay hogaaminta tababarka kooxdiisa kadib markii uu ka soo kabsaday xanuunka Korona oo uu qabay todobaadyadii ugu dambeeyay.

Liiska uu Zidane soo saaray waxa ka maqan xiddigo badan oo muhiim ah ka hor kulanka Huesca ee horyaalka La Liga.

Xiddigaha Sergio Ramos, Dani Carvajal iyo Eden Hazard ayaa ka mid ah xiddigaha ugu muhiimsan kooxda ee dhaawac uga maqan kooxda ka hor kulanka.

Xiddiga Eder Militao ayaa dhankiisa kulanka ku seegi doona ganaax kadib markii uu kaadhka cas qaatay kulankii ugu dambeeyay ee horyaalka La Liga.

Image

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*