RASMI: Zinedine Zidane Oo Soo Saaray Liiska Xiddigaha Uu Kaga Hor Tagi Doono Getafe.

Tababaraha Real Madrid ee Zinedine Zidane ayaa soo saaray Liiska xiddigaha uu kaga hor tagi doono kooxda Getafe kulan ka tirsan horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan.

Tababare Zidane ayaa Liiska ka reebay xiddiga Eden Hazard kaas oo seegi doona kulanka Getafe ee ka dhici doona garoonka Estadio Alfredo Di Stefano.

Sbabata uu Zidane Hazard uga reebay Liiska xiddigaha ka hor tagi doona Getafe ayaa lagu sheegay in uu Zidane doonayo in uu xiddigu nasto maadama uuna wali 100% taam ahayn.

Dhanka kale Liiska ayaa lagu dhex arkay xiddigaha Lucas Vazquez & Luka Jovic Kuwaas oo ku soo laabtay garoomada kadib dhaawacyo ay ka soo kabsadeen.

Hadaba Halkan Hoose Kaga Bogo Liiska xiddigaha 24-ka ah ee uu Zidane u soo xushay Kulanka:

Goolhaye: Thibaut Courtois, Alphonse Areola, Diego Altube.

Daafaca: Dani Carvajal, Eder Militao, Sergio Ramos, Raphael Varane, Marcelo, Ferland Mendy.

Khadka dhexe: Toni Kroos, Luka Modric, Casemiro, Fede Valverde, James Rodriguez, Isco.

Weerarka: Karim Benzema, Gareth Bale, Lucas Vazquez, Luka Jovic, Marco Asensio, Brahim Diaz, Mariano Diaz, Vinicius Junior, Rodrygo Goes.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*