RASMI: Zinedine Zidane Oo Soo Saaray Liiska Xiddigaha Uu Kaga Hor Tagi Doono Athletic Bilbao

Tababaraha Kooxda Real Madrid Zinedine Zidane ayaa soo saaray Liiska xiddigaha uu kaga hor tagi doono kooxda Athletic Bilbao kulan ka tirsan horyaalka La Liga.

Liiska ayay ka maqan yihiin xiddigo muhiim ah ka hor kulanka adag ee ay Los Blancos ciyaari doonto maanta oo Axad ah kana tirsan horyaalka La Liga.

Xiddigaha Eden Hazard & Raphael Varane ayaa dhaawac ku seegi doona kulanka halka sidoo kale ay seegi doonaan xiddigaha James Rodriguez & Nacho Fernandez.

Dhanka kale Zidane ayaa Liiskiisa ku soo daray xiddiga Gareth Bale kaas oo aan wax daqiiqado ah ciyaarin kulankii Getafe ee horyaalka La Liga.

Hadaba Halkan Hoose Kaga Bogo Liiska xiddigaha uu Zidane u soo xushay kulanka adag ee maanta:

Goolhayayaasha: Thibaut Courtois, Alphonse Areola, Diego Altube.

Daafaca: Dani Carvajal, Eder Militao, Sergio Ramos, Marcelo, Ferland Mendy, Javi Hernandez.

Khadka dhexe: Toni Kroos, Luka Modric, Casemiro, Fede Valverde, Isco.

Weerarka: Karim Benzema, Gareth Bale, Lucas Vazquez, Luka Jovic, Marco Asensio, Brahim Diaz, Mariano Diaz, Vinicius Junior, Rodrygo Goes.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*