RASMI: Zinedine Zidane Oo Soo Saaray Liiska Xiddigaha Uu Kaga Hor Iman Doono Eibar.

Tababaraha kooxda Real Madrid ee Zinedine Zidane ayaa soo saaray Liiska xiddigaha uu kaga hor tagi doono kooxda Eibar kulan ka tirsan horyaalka La Liga kadib markii ay soo dhamaadeen fasaxii xulalka.

Tababare Zidane ayaa Liiskiisa ku soo daray liiska xiddiga khadka dhexe ee Toni Kroos kaas oo dhaawac kaga maqnaa fasaxii xulalka iyo kulamadii xulka qarankiisa Germany.

Liiska waxa ka maqan xiddiga Eden Hazard inkasta oo uu tababarka ku soo laabtay waxana uu Zidane doonayo in uuna ku khamaarin xiddiga sabab la xidhiidha dhaawacyada oo ku batay xiddiga.

Liiska sidoo kale waxa ka maqan xiddigaha Sergio Ramos iyo Dani Carvajal kuwaas oo dhaawac ku seegi doona kulanka ay kooxdoodu la ciyaari doonto kooxda Eibar kana tirsan horyaalka La Liga.

Hadaba Halkan Hoose Kaga Bogo Liiska xiddigaha uu Zidane soo xushay:

Goolhayayaasha : Thibaut Courtois, Andriy Lunin, Diego Altube.

Daafacyada: Eder Militao, Raphael Varane, Nacho Fernandez, Marcelo, Alvaro Odriozola, Ferland Mendy.

Khadka Dhexe: Toni Kroos, Luka Modric, Casemiro, Isco, Sergio Arribas.

Weerarka: Karim Benzema, Marco Asensio, Lucas Vazquez, Vinicius Junior, Mariano Diaz, Rodrygo Goes.

Sii Akhriso: Fariimo Jacayl Macaan Oo Shukaansi ah Waliba Qalbiga Soo Jiidanayo

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*