RASMI: Zinedine Zidane Oo Soo Saaray Liiska Xiddigaha Uu Kaga Hor Iman Doono Borussia Monchengladbach

Tababaraha Real Madrid Zinedine Zidane ayaa soo saaray Liiska xiddigaha uu kaga hor tagi doono kooxda Borussia Monchengladbach kulankooda 2-aad ee champions League.

Eden Hazard ayaa markii ugu horaysay xilli ciyaareedkan ka soo muuqan kara champions League kadib markii lagu soo daray Liiska xiddigaha u safraya Germany.

Hazard ayaa tababarka la qaatay xiddigaha intooda kale maanta oo Axad ah kadib kulankii El Clasico waxana uu ka mid yahay 21 xiddig ee ka qayb qaadan doona champions League.

Laakiin xiddigaha daafaca Midig ka ciyaara ee Dani Carvajal, Alvaro Odriozola Iyo Nacho ayaa ka maqan Liiska iyaga oo dhaawac ku seegi doona.

Hadaba Halkan Hoose Kaga Bogo Liiska xiddigaha uu Zidane u soo xushay kulanka:

Thibaut Courtois, Andry Lunin, Diego Altube, Eder Militao, Sergio Ramos, Raphael Varane, Marcelo, Ferland Mendy, Santos, Toni Kroos, Luka Modric, Casemiro, Fede Valverde, Isco, Eden Hazard, Karim Benzema, Marco Asensio, Lucas Vazquez, Luka Jovic, Vinicius & Rodrygo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*