RASMI: Zinedine Zidane Oo Soo Saaray Liiska Xiddigaha Uu Kaga Hor Iman Doono Barcelona.

Tababaraha Kooxda Real Madrid ee Zinedine Zidane ayaa soo saaray Liiska xiddigaha uu kaga hor tagi doono kooxda Barcelona kulanka adag ee El Clasico kana tirsan horyaalka La Liga.

Kooxda Real Madrid ayaa sabtida garoonka Estadio Alfredo Di Stefano ku marti galin doonta kooxda Barcelona kulan labada kooxoodba doonayaan in ay guul gaadhaan kulanka.

Liiska waxa wali ka maqan xiddigaha Eden Hazard kaas oo laga reebay kulanka inkasta oo uu taam yahay waliba tababarka si buuxda ugala qayb qaatay kooxda maalmihii ugu dambeeyay.

Dhanka kale waxa Liiska ka maqan xiddiga Varane kaas oo ku seegaya kulanka xanuunka Korona oo laga helay Salaasadii ka hor kulankii Liverpool ee champions League.

Sida Kale Zidane ayaa soo xushay dhamaan xiddigaha taamka u ah iyada oo aan wax lama filaano ah lagu arkin Liiska uu tababaruhu u soo xushay kulanka.

Hadaba Halkan Hoose Kaga Bogo Liiska uu Zidane u soo xushay kulanka.

Goolhayayaasha: Thibaut Courtois, Andriy Lunin, Diego Altube.

Daafaca: Eder Militao, Nacho Fernandez, Marcelo, Alvaro Odriozola, Ferland Mendy.

Khadka Dhexe: Toni Kroos, Luka Modric, Casemiro, Fede Valverde, Isco.

Weerarka: Karim Benzema, Marco Asensio, Lucas Vazquez, Vinicius Junior, Mariano Diaz, Rodrygo Goes.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: Fariimo Jacayl Oo Aad Gacaliyahaaag Ku Dareensiin karto In Uu Boro Yahay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*