RASMI Xulka Ingiriiska ayaa ugudbay wareega 8da kadib markii 2 gool ayku xaaqeen Jarmalka

Abaaro 7dii fiidnimo ee geeska afrika waxaa ciyaaray xulalka Germany & England kulan laba aan marna ka qoslineynin , ciyaarta oo aad u adkeyd Jarmalka ayaa si xoogan ku bilowday waxa uu ka wareegay kubadda isagoo cadaadiyey jarmalka.

10 daqiiqo Jarmalka ayaa lahaa intaa wixii ka dambeeyey waxaan aragnay England waxa ay soo gashay ciyaarta iyadoo abuurtay fursado dhowr ah , daqiiqadii 15 aad rahiim Sterling ayaa shuut xoogan ku tuuray lkn goolhaye nueir ayaa bad baadiyey kubadaasi.

Waxey isku dayeen labada kooxood kubad loo dusiyey Timo Wener ayaa shuuday lkn goolhaye Pickford ayaa ka joojiyey intaa wixii ka dambeeyey labada xulba waxa ay ahaayeen kuwo fursadahooda ay sinaayeen waxaana qeybtii hore lagu kala tagay 0-0.

Markii leysu soo laabtay waxa halkeeda kasoo socday ciyaartii xiisaha laheyd , waxey noqotay mid ka furan si ay fursado ay u abuuraan xidigaha labada dhinac, lkn Xulka 3da libaax ayaa goolkii ugu horeeyey kulanka keenay kadib markii Grealish oo badal kusoo galay gool ka caawiyey Sterling , wax yar kadibna Harry Kane ayaa dhaliyey goolka 2aad sidaas ayey Xulka England ugu gudbayaan wareega 8da halka Jarmalka si rasmi ah uga haray tartanka.

 

 

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*