RASMI: Xulalka Ku Guulaysata Copa America & European Championship Oo Kulan Saaxiibtinimo Ciyaari Doona.

Xiriirka Kubadda Cagta Yurub “UEFA”, oo kaashanaya Xiriirka Koonfurta Ameerika “CONMEBOL”, ayaa ku dhawaaqay qabashada ciyaar u dhexeysa xulalka ku kala guulaystay koobabka “Euro” iyo Copa America.

Argentina oo uu horkacayo Lionel Messi ayaa ugu dambayntii ku guulaysatay Copa America ka dib markii ay finalkii ka qaaday Brazil.

Dhanka kale xulka Italy ayaa ku guulaystay koobka Qaramada Yurub kadib markii uu rigoorayaal kaga adkaaday England.

Websaytka UEFA ayaa daabacay war saxaafadeed kaas oo u dhignaa sidan: “UEFA iyo CONMEBOL waxay ku dhawaaqeen ballaarinta wada shaqayntooda hadda, iyagoo abaabulaya ciyaar dhexmaraysa xulalka ku kala guulaysta koobabka labada qaarad”.

War saxaafadeedka ayaa lagu shaaciyay in uu kulanku dhexmari doono xulalka Italy iyo Argentine marka la gaadho fasaxa xulalka ee bisha June EE Sanadka 2022.

Sii Akhriso: Gabadheey!! Ma Doonaysaa In Aad Ogaatid In Uu Ninku Yahay Mid Kugu Haboon Adiga, Ma Doonaysaa In Aad Ku Ogaatid Shakhsiyadiisa Kulanka Ugu Horeeya, 3-dan Su’aal Ayaa Kaaga Filan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*