RASMI: Xulalka Iska Xaadiriyay Semi-Final-ka Nations League Oo La Ogaaday.

Waxa si Rasmi ah loo soo afjaray wareega Group-yada ee tartanka Nations League ee xulalka qaarada yurub iyada oo la ogaaday 4 xul ee isugu soo hadhay Semi-final-ka tartanka xilli ciyaareedka 2022/2023.

Xulka Italy ayaa gaadhay Semi-final-ka kadib markii ay garaaceen xulka Hungary kulankoodii ugu dambeeyay.

Xulka Netherlanda ama Holland ayaa gaadhay Semi-final-ka kadib markii ay garaaceen xulka Belguim halka xulka Croatia gaadhay Semi-final-ka kadib markii ay garaaceen xulka Austria.

Ugu dambayn xulka Spain ayaa gaadhay Semi-final-ka kadib markii ay garaaceen xulka Portugal iyaga oo goostay tigidhkii kursigii ugu dambeeyay ee tartanka.

Xulalka u soo baxay Semi-final-ka Nations League:

Italy, Spain, Netherland, Croatia.

Wakhtiga La ciyaari doono Semi-final-ka Nations League:

Kulamada Semi-final-ka Nations League ayaa la ciyaari doonaa 14 iyo 15 bisha June ee sanadka 2023 halka Final-ka la ciyaari doono 18 bisha June ee sanadka dambe.