Ugu yaraan saddex dal ayaa laga reebay tartanka socda ee Koobka Qaramada Afrika 2025 (AFCON) oo ka socda dalka Morocco, kadib markii ay ku guuldarreysteen inay helaan hal dhibic toona kulamada heerka group-yada illaa hadda.
Saddexda dal waa Botswana, Equatorial Guinea iyo Gabon.
Inkasta oo ay weli hal kulan oo kama dambays ah u harsan yahay kulamada group-yada toddobaadkan, haddana dalalkan la soo sheegay waxay ka baxayaan Morocco natiijada kulankooda ugu dambeeya wax saamayn ah kuma yeelan doonto xaaladdooda.
Xulalka kor ku xusan ayaa Laga badiyay labadii Kulan ee Group ee ay Ciyaareen tartanka.
Sidaas darteed Xulalkaas ayaa aadi doona guryohooda kadib Kulamada 3-aad ee tartanka.
Be the first to comment